Saraakiisha Ciidamada Xaooga Dalka Somaliya Oo Ka Hadlay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deegaanka Deynuunaay

Sarakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in degaanka daynuunaay oo qiyaastii 18 kiilo mitir ujira magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baay kudilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisinka ciidanka xoogga ee degaankaasi.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo wareysi siiyay Idaacada dowladda isagoo ku sugan jiida hore dagaalka ee aaga daynuunaay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ka ka dileen kudhawaad 12 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab isaga oo sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen tira intaas ka badan.

Shalay ayay aheyd markii deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Alshabaab kaas ay guulo ka sheegteen ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta Oo Isku Shaan Dhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Bnnstaff Bnnstaff

“Amniga Dalku Meel Xun Ayuu Marayaa Waana Lagu Soo Duulay” Taliyaha Booliska Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Kenya Oo Ciidamo Tiro Badan Soo Dhoobtay Magaalada Mandheera Iyo Xiisad Ka Taagan Deegaanadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More