Booliska Maamulka Puntland Oo Qabtay Khamri Tiro Badan Iyo Dadkii Ka Ganacsanayay

Ciidanka Booliska Gobalka Bari Puntland oo ay Wehlinayeen Ciidamada PMPF iyo Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u soo Bandhigay Guri kamid ah Xafadaha Magalada Boosaaso oo lagu Qarinayay Khamri tiro badan iyo dadkii ka Ganacsanayey.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Faahfahin ka bixiyay Khamrigaan ayaa sheegay in uu Dhanyahay in ka Badan 10,000 kun oo Caag,kuwaas oo dadka qaarkood isticmaalayeen halka qaarkood ay ka Ganacsanayeen.

Sidoo kale Taliyaha oo sii hadlayay ayaa waxaa uu digniin u direy dadka ka Ganacsada Maandooriyaha Khamriga iyo dadka ka Ganacsanaya,waxaana uu sheegay in qofkii lagu qabto tallaabo laga qaadi doono.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Haayada Shaqaalaha Somaliland Oo Shaacisay In 1500 Oo Qof Ay Soo Codsadeen Shaqooyin Banaan Iyo Qaabka Loo Kala Saari Doono

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Xoogan Oo U Dhexeeya Alshabaab Iyo Ciidamada Dawlada Oo Ka Socda Degmada Qoryoolay

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin Xiiso Leh Oo La Isku Barbardhigay Qaabkii Muuse Biixi Loogu Soo Dhaweeyay Itoobiya Iyo Gini

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More