Wasiir Bayle Oo Ka Qayb Galay Shirka Ay Yeesheen Wasiirada Maaliyadaha Ee Dalalka IGAD Iyo Arimaha Lagaga Hadlay Shirkaasi

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka qeyb-galay shir ay hab Muuqaal ah( Video Converenc) u yeesheen Wasiiradda Maaliyadda Wadamada IGAD.

Shirka ayaa waxaa looga hadley sidii looga hortegi lahaa caqabadaha dhaqaale ee uu sababey Cudurka Coronavirus oo laga helay wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

“Waxa aan ka qeyb galay shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka urur goboleedka IGAD,Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan wadajir uga hortagi laheyn caqabadaha dhaqaalaha ee uu sababay #COVID19 ayuu yiri”Wasiir Beyle.

Shirkaan ay Maanta yeesheen Wasiiradda Maaliyadda dalalka IGAD ayaa waxaa uu daba socdaa Shikii Madaxda IGAD ee uu ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Related posts

Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale Oo Ka Qayliyay Dooda Midnimada Somaliya Iyo Somaliland Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Shirkadii Shadaalka Ee Sucuudiga Oo Waajahaysa Khasaarihii Ugu Waynaa Iyo Boqortooyada Oo Ku Dhawaaqday Siyaasada Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Dib U Milicso Waxqabadkii Dawladii Kacaanta Iyo Ololihii Horumarinta Reer Miyiga Iyo Abaartii Dabadheer

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More