Muwaadiniin Somaliyeed Oo Ku Xayirnaa Kenya Oo Maanta Soo Gaadhay Muqdisho

Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku xayirnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ka dib markii duulimaadyadda Soomaaliya iyo Kenya la joojiyay.

Tiradda Muwaadiniinta maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa dhan 114 muwaadin.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa fududeysay Imaanshaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Diyaarad ayaa kasoo qaadey Magaalada Nairobi, islamarkaana keentay Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xafiiska Warark BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dagaal U Dhexeeya Ciidamo Kal Taabacsan Axmed Madoobe Iyo Seeraar Oo Ka Dhacay Gudaha Kismaayo

Bnnstaff Bnnstaff

“Ciiddamada Somaliya Maaha Ciidamo Qaran” Madaxwayne Deni Oo Dhaliilay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Oo Baarlamaanka Ka Horjeediyay Waxyaabaha U Qorshaysan Wasaaradiisa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More