Dhismaha Tiyaatarka Qaranka Somaaliyeed Oo Si Aan Hore Loo Arag Qurxiyey + SAWIRO

Waxaa heer gebogebo ah maraya dib u dhis iyo dayactir ballaaran oo mudooyinkan lagu samaynayey dhismaha Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Tiyaatarka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka bilowday ku dhowaad 30 ka hor ayaa waxaa dhagax dhigay Madaxweynaha Somalia, iyadoo lagu dhisayo barnaamij loo bixiyey isxilqaan oo ay iska kaashanayaan DF iyo shacabka gobolka Banaadir.

Sawirro laga soo qaaday tiyaatarka ayaa muujinaya sida wanaagsan ee ay iminka u socoto howsha dayactirku, iyadoo qaybta fadhiga lagu xirey kuraas casri ah, isla markaana loo sameeyey naqshad soo jiidisho leh oo la mid ah mida Masraxyada casriga ah ee caalamka.

Waxaa sidoo kale dayactar iyo qurxin lagu wadaa masraxa loogu tala galay in la istaago oo lagu dhejin doono agabka maqalka iyo muuqaalka caawiya.

Waxaa gudaha Tiyaatarka laga furay xafiisyadii ay ku shaqaynayeen maamulka fanaaniinta iyo kuwa dowladda ee qaabilsan dhanka madadaalada iyo fanka.

Waxaa la filayaa in Tiyaatarka Qaranka iyo mashaariic kale uu xariga ka jaro Madaxweyne Farmaajo bisha Juun ee socota iyadoo lagu beegayo maalmaha ee xoriyada ee 26-Juun iyo 1-da Luulyo.

DHISMAHA KA HOR SIDA UU U BURBURSANAA

Related posts

Marwada Kawbaad Ee Somaliya Iyo Madaxwayne Lafta Gareen Oo Si Wada Jir Ah Xarun Caafimaad Uga Dhagax Dhigay Baraawe

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Khyre :- Waa La Soo Dhaafay Wakhtigii Ay Dad Aan Dalkan Lahayni Maamuli Jireen

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Sheegtay In Ay Hoos U Dhaceen Kiisaska Coronavirus Ee Deegaamada Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More