Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujiyay Ciida Dowlada Ee Gobolka Gedo

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa khudbadda uu ka dhagaystay ergayga UNka James Swan iyo ergayga Midowga Africa Francisco Madeira horumarka laga sameeyey ansixinta sharciga doorashooyinka iyo hawlgalladii ciidanka ee Shabeellada Hoose iyo qabsashada magaalada Jannaale.

Xubnaha Golaha Ammaanka oo markaasi kadib midmid u hadlay ayaa soo dhoweeyey horumarradaas.

Dhinaca kale waxay Golaha Ammaanku ugu baaqeen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inay wada hadlaan. Dawladda Maraykanka sarkaalka u hadlay ayaa ugu baaqday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qabto kulanka Golaha Amniga Qaranka oo ay ku wada jiraan madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale ay xubno ka mid ah Golaha Ammaanku ka hadleen inay ka walaacsan yihiin in ciidamada amniga meelaha qaarkood sida Gedo loo isticmaalo “xafiiltan siyaasadeed”.

Ergayga Qaramada Midoobay James Swan iyo madaxda kale ee hadashay waxay sidoo kale soo dhoweeyeen kulankii Addis Ababa ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Africaan Ah Oo Inkirtay Jiritaanka Coronavirus Shacabkeedana Ugu Baaqday In Aanay Cabsanin

Bnnstaff Bnnstaff

Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacayay Maraykanka Somaliyana Ay Qayb Ka Ahayd Oo Baaqday Cabsida Caranavirus Awgii

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Shaacisay In Sanadkii Tegay Deegaanada Laga Diiwaan Galiyay 162 Kiis Oo dil Ah Iyo 90 Kufsi Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More