Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Koonfurta Suudaan Oo Laga Helay Coronavirus

Wasiirka warfaafinta Michael Makuei wuxuu BBC u sheegay in dhammaan xubnihii ka tirsanaa guddiga la dagaalanka cudurka Covid-19 laga xaqiijiyay in laga helay cudurka marka laga reebo wasiirka caafimaadka.

Wuxuu wasiirka beeniyay wararka sheegayo in madaxweyne Salva Kiir uu ku dhacay feyraska oo isagu ka tirsanaa guddiga ka hortagga cudurka ee haatan badankooda uu ku dhacay.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dhawaan cudurka la xaqiijiyay in laga helay madaxweyne ku-xigeenka South Sudan Riek Machar iyo xaaskiisa iyo wasiirka gaashaandhigga ee dalkaas kaddib markii ay la kulmeen xubnihii ka tirsanaa guddiga la dagaalanka Covid-19.

Waxaa sidoo kale cudurka laga helay tiro kamid saraakiisha ilaalisa xubnaha laga helay cudurka, waana la karantiilay dhammaantood.

South Sudan waxaa sare u kacay kiisaska la xiriira feyraska Korona, wuxuu dalka xaqiijiyay 481 kiis halka dhimashadu ay gaartay 6.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gobay Qiimo Badan Oo Loo Sameeyay Sanad Guurada 60aad Ee Ciidamada Xooga Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasaarada Beeraha Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Khudaarta Laga Soo Dhoofiyo Dalalka Shisheeyo

Bnnstaff Bnnstaff

Boqorka Beelaha Gaboobe Oo Kaliilo Culus U Jeediyay Siyaasiyiin Ka Tirsan Xisbiga Ucid Iyo Waxyaabaha Uu Ku Dhaliilay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More