Wiilka Uu Dhalay Wariye Jamaal Khashoggi Oo Sheegay In Uu Cafiyay Kuwii Dilay Aabihii

Wiil uu dhalay saxafagii la dilay ee Sucuudiga u dhashay Jamaal Khashoggi ayaa sheegay inay cafiyeen dadkii ka dambeeyay dilka aabihiis.

Saalax oo ku nool magaalada Jiddah, wuxuu barta Twitter-ka kusoo qoray sidatan ” Xilli lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.waxaa xusuusanay hadalka Alle ee ah, haddii qofka uu cafiyo walaalkiis, doorbidana dib u heshiisiin, Ilaahey ayaa abaal marin doonaa”

“Haddii aan nahay wiilasha Jamal Khashoggi waxaan shaaca ka qaadeynaa in aan cafinnay kuwo dilay aabaheena si ilaahey uu abaal marin inoogu baddalo”

Khashoggi, oo dhaliili jiray boqortooyada Sacuudiga, ayaa lagu dilay 2018 gudaha qunsuliyada ay sacuudiga ku leeyihiin Istanbul .

Sirdoonka dalalka reer galbeedka ayaa waxay rumaysan yihiin in dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan uu amray dilka wariyahaasi, balse waa uu beeniyay Binu Salmaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Ciidamada Dowlada Federaalka Haka Baxaan Gobolka Gedo” Madaxwayne Axmed Madoobe

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Mushaarkoodii Ugu Deeqay Xukuumada Si Loogu Diyaar Galoobo Ka Hortega Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Murashaxa Loo Badaniyo In Uu La Tartamo Trump Oo Sheegay In Uu Safaarada Maraykanka Aanu Ka Rari Dooni Qudus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More