Dagaal Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo duhurnimadii ah ka qarxay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo hoos taga maamulka Galmudug.

Dagaalka ayey wararku sheegayaan inuu u dhexeeyo ciidamada Kumandoska Xoogga dalka ee Danab iyo Maleeshiyo qaab qabiil u abaabulan oo weerar ku soo qaadeen Saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidanka Danab.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoon yahay maleeshiyada ayaa daba jooga rag ay isku heyb yihiin oo habeeno ka hor ciidamada Danab ay xabsiga dhigeen, kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa xaafado ka mid ah koonfurta magaalada Gaalkacyo kuwaasoo qeyb ka ah hubka la isweydaarsanayo, iyadoo cabsi iyo argagax ay soo food saartay shacabka halkaas degan oo qaarkood sheegay iney beerka dhulka ku hayaan.

Waxaa sidoo kale la xiray suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo aysan jirin illaa hadda cid ka hadashay dagaalkan ama ku baxday sidii loo joojin lahaa, khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaana jira sida wararku nagu soo gaarayaan inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Oo Sheegay In Ay Dan Ugu Jirto Cudurka Dilaaga Ah Ee Ka Dilaacay Dalka Shiinaha

Bnnstaff Bnnstaff

Dalka Baraziil Oo Kaalinta Labaad Ka Soo Galay Dalalka Uu Sida Wayn U Saameeyay Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Arinta Imaanshaha Hargeysa Ee Madaxwayne Farmaajo

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More