Dalka Baraziil Oo Kaalinta Labaad Ka Soo Galay Dalalka Uu Sida Wayn U Saameeyay Coronavirus

Braziil ayaa diiwaangelisay koror kale oo weyn oo ah tirada dadka uu ku dhacay Cudurka Corona Virus , waxaa ay maanta ka sara martay dalka Ruushka oo ku jiray kaalinta labaad.

Dalka Braziil wuxuu hadda diiwaangaliyay 330,890 infekshan iyo 21,048 dhimasho ah.

Tirada maalinlaha ah ee dhimashada ayaa ka sarreysa 1,000 afartii maalmood ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha garabka midig ee reer Brazil Jair Bolsonaro wuxuu si isdaba joog ah u dhalleeceeyay talo bixinta caafimaadka bulshada, wuxuu dhaleeceeyay talaabooyinka xirida iyo hoos u dhigida halista Covid-19.

Sida laga soo xigtay tirokoobyada Jaamacadda Johns Hopkins, Mareykanka wuxuu diiwaangeliyay in kabadan 1.6 milyan oo xaaladood iyo ku dhawaad ​​96,000 oo dhimasho ah halka Russia ay xaqiijisay 326,488 cudur iyo 3,200 oo dhimasho ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dal Uu Hadheeyeen Coronavirus Iyo Afar Cudur Oo Kale Waa Dalkee

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Dhaqtar Dibada Ah U Qaaday Gabadh Uu Askari Dhaawacay

Bnnstaff Bnnstaff

Reer Galbeedka Oo Qorsheynaya Waxa Ay Ka Yeeli Doonaan Shiinaha Coronavirus Kaddib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More