Dalka Tanzania Oo Qaab Cusub Oo Ka Duwan Dalalka Kale Ula Tacaalaya Coronavirus

Lama oga in dib loo billaabay baaritaannada cudurka ee dalka Tanzania.

Safaaradaha ajnabiga ee waddankaasi ku sugan iyo dalalka jaarka ah ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Tanzania.

Safaaradda Maraykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay feejignaan badan muujiyaan, iyadoo sheegtay inay sareyso fursadda ah inay cudurka ka qaadaan magaalada Daaru-salaam.

UK-na waxa ay muwaadiniinteeda kala baxday waddankaasi.

Dalka deriska la ah ee Kenya ayaa dhawaan sheegay in 182 ajaanib ah oo ku sugnaan xuduudda ay labada dal wadaagaan laga helay cudurka, sidaana loogu diiday inay soo gudbaan.

Go’aankaasi ayaa ka caraysiiyay xukuumadda Tanzania, waxaana ay mas’uuliyiinta waddankaasi ku eedeeyeen Kenya inay boqnaha jarayso waaxdooda dalxiiska.

Zambia ayaa xiratay xuduudda ay la leedahay Tanzania, kadib markii ay ogaatay in kiisas badan ay uga yimaadeen gediga kale.

Waxaan shaki ku jirin in tallaabooyinka ay qaaday Tanzania ee ku aaddan xanuunkan safmarka ah bilaha iyo sanadaha soo socda laga baran doono casharro badan.

Related posts

Abaal Marinta La Magac Baxday Qiimayn Qaran Oo La Gudoonsiiyay Shakhsiyaad saamayn Leh

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Go’aanka Golaha Wakiilada Dayn Cafinta Somaliya Iyo Halista Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Deni Oo Ka Warbixiyay Safarka Uu Ku Tegayo Magaalada Miqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More