Dad Somaliyeed Oo Ku Xayirnaa Dalka Sucuudiga Oo Xalay Dib Loogu Soo Celiyay Somaliya + SAWIRO

Diyaarad siday 132 qofood ayaa xalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradu dadkaas kasoo qaaday dalka Sacuudiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dadkan oo u badan caruur iyo haween ay ku soo celisay dalka, isla markaana ay ku howlantahay sidii dalka loogu soo celin lahaa muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed ee ku kala xayiran dalalka caalamka.

Waxaa la sheegay in dadkan ay bilihii lasoo dhaafay ku xayirnaayeen dalka Sacuudiga, maadaama aysan dunida ka jirin wax isku safar ah, waxaana xalay dadkan garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah ehelladooda.

Related posts

Dhalinyaradda Reer Ceerigaabo Oo Cabasho Muujay

Mustafehaji

Halka Uu Marayo Dhismaha Iyo Dayactirda Laga Wado Tiyaatarka Qaranka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Tahay Sobobta Loo Sii Daayay Mid Ka Mid Ah Ragii Loo Haystay Kiiskii Marxuumad Caasha Ilyaas

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More