DAAWO Sida reer Ciraaq ula tacaalayaan kulaylka kontonka digrii dhaafay

-

Shacabka reer Ciraaq ayaa ku dadaalaya sidii ay isku qaboojin lahaayeen maadaama oo heer kulka guud ahaan gobolka Bariga Dhexe aad u kordhay.

Magaalo madaxada Baqdaad ayaa lagu soo waramayaa in heer kulku gaadhay Salaasadii 52C, taas oo noqonaysa halkii ugu sarraysay ee uu gaadho abid.

Arbacadii ayaa la sheegayaa in kulku hoos ugu soo dhacay 51C.

Dad badan ayaan guryaha ka soo bixin, badhtamaha magaalada Baqdaadna dadka qaarkood ayaa isku qaboojinayey tuushash ama xamaamyo macmal ah.

Heer kulkan xad dhaafka ahi wuxuu culays dheeraad ah sii saaray adeegyada aasaasiga ah ee dalka oo markooda hore ba iska liita.

 

Related posts

Tirada Dadka Uu Soo Ritay Coronavirus Ee Dallka Jabuuti Oo Gaadhay 400 Oo Qof

Bnnstaff Bnnstaff

WARAYSI: Dagaal Khasaare Dhimasho Sababay Oo Ka Dhacay Buuhoodle iyo Xagla Toosiye Oo ..

Mustafehaji

Turkiga Oo Caalamka Kaga Badiyay Ka Hortega Coronavirus

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More