Madaxwayne Waare Oo Kulan La Qaatay Safiirka Qadar Ee Somaliya Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qatar Ee Soomaaliya Ambassador Xasan Bin Xamza Asad Maxamed, waxaana ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Deegaannada Hirshabelle, iyo Dar Dargalinta Mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso Dowladda Qatar.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Faah Faahin ka siiyay Fulinta dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo jowhar oo ay dhiseyso shirkad Laga Leeyahay dalka Turkiga, waxaana uu sheegay in ay ka go’antahay Dar dargalinta Mashruucaasi, waxaana Madaxweyne Waare uu Dowladda Qadar uu kaga mahadceliyay mashaariicda ay ka wadaan dalka oo ay qeyb ka tahay Mashruuca jidadka Muqdisho iyo Afgooye, iyo Kan Muqdisho iyo Jowhar.

Sidoo kale Inta Kulanka uu socday Waxa ay si qoto dheer kaga wada hadleen Fursadaha Maalgashi ee Hirshabelle kaga jira, iyadoo safiirka uu sheegay in dhowaan ay ka fulinayaan Mashaariic Horumarineed ayna diyaar u yihiin in ay ka faa’ideystaan Fursadaha Maalgasho Ee Hirshabell3 maadaama Hirshabelle ay tahay dhul qani ah oo uu eebe ku maneystay Kheyraadka dhinac kasta ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynaha Masar Oo Sexeexay Sharci Saraakiisha Milatariga Masar Ka Hor istaagaya Arimaha Siyaasada

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Doorashooyinka Dalka Itoobiya Oo Fariin Kama Dambays Ah U Diray OFC Ee Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Kulan Muqdisho Uga Socda Guddoonka Baarlamaanka Iyo Madasha Xisbiyadda Mucaaridka Ah + SAWIRO

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More