Borama News Network

36 Qof Oo Ku Dhimatay Bas Ku Dhacay Waadi Ku Yaal Hindiya

Ugu yaraan 36 qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu bas ku dhacay meel ka mid ah gobolka waqooyi ee Uttarakhand ee dalka Hindiya.

Saraakiisha ayaa sheegay in 44 qof ay saarnaayeen markii darawalku uu xakameyn waayay baskuna uu ku dhacay bohol 50m ah oo ku taala Marchula, oo ku yaala degmada Almora ee gobolka.

Dowladda gobolka ayaa amartay in baaritaan lagu sameeyo shilkan.

Basaska ayaa ah gaadiidka ugu badan ee gobolka Himalaya, shilalkuna ma ahan inta badan ka dhaca.

Baska ayaa kusii jeeday degmada Ramnagar markii shiulku uu dhacay subaxnimadii Isniinta.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay gaariga oo si xun u burburay oo ku rogmaday buur hoosteeda.

Dhowr qof oo rakaab ah ayaa isla goobta ku dhintay, halka kuwa dhaawacmay loola cararay isbitaallada ku dhow dhow. Waxaa wali socda howlaha samata bixinta.

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilkaas.

Related posts

Midawga Yurub Oo Kormeer Ku Sameeyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka Gobolka Awdal Sharcigii Ayuu Ku Tuntay” Ururka Qareenada Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Gudoomiye Ku Xigeenka Qareenada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Beelaha Baha-Muuse Subeer Awal oo u gar dhigatay xukuumada Madaxweyne C/raxmaan Cirro.

Mustafe haji