Borama News Network

38 Qof Oo Tahriibayaal Ka Soo Jeeda Dalalka Geeska Africa Oo Dooni Kula Degtay Xeebaha Dalka Yeman

Ilaa 38 qof oo tahriibayaal ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa ku dhintay doon ay la socdeen oo ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Kalluumeysatada ayaa soo badbaadiyay ku dhawaad ​​80 qof balse ku dhawaad 100 kale ayaa lagu soo waramayaa in wali la la’yahay.

Maamulka degmada Rudum, ee bariga Cadan, ayaa sheegay in dadkii doontaa saarnaa ay badankood tahriibayaal ahaayeen, ayna badankood kasoo jeedeen Itoobiya, muhaajiriintaas oo Yemen u adeegsada marin ay ku gaaraan dalalka Gacanka.

Hadi Al-Khurma, madaxa degmada Rudum, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontu ay quustay kahor inta aysan xeebaha soo gaarin.

Sida laga soo xigtay Qaramada Miodobay, 97,000 muhaajiriin ah ayaa sanadkii hore gaaray Yemen kuwaasoo ka yimid Geeska Afrika.

Kororka ayaa yimid iyadoo dagaalka Yemen uu socdo iyo weerarradii dhowaan ee Xuutiyiinta ay ku qaadayeen Maraakiibta maraya Badda Cas.

Related posts

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ku eedeeyey madaxa sirdoonka dalka inuusan xog nuxur leh u gubdin Madaxweynaha

Abdiaziz Bnnstaff

Awooda Donald Trump iyo Rajada Soo Galootiga Oo Wadnaha Farta Ku Haya

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxwaynuhu waxaan jirin iyo hadal aan bislayn ayuu quluubta ummada ugu ciyaarayaa.”Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff