Borama News Network

89 Qof Oo Ku Dhintay Duufaan Xoogan Oo Ku Dhifatay Gobolo Ka Mid Ah Dalka Maraykanka

Malaayiin qof oo ku nool gobollada Koonfur-bari ee Maraykanka ayaa Axaddii shalay bilaabay howlo isugu jira nadiifin iyo dayac-tir, kaddib marki roobab watay dabaylo iyo daadad ka dhashay duufaanta Helene ay burburiyeen guryo badan, waddooyin iyo buundooyin, laga soo billaamin Florida ilaa Virginia.

Sida ay ku warrantay CNN-ta, duufaanta ayaa gobollada South Carolina, Florida, Georgia, North Carolina iyo Virginia ku dishay dad gaaraya ugu yaraan 89 oo qof.

Wakaaladda wararka ee ayaa iyaduna sheegtay in tirada dhimashada ay tahay 69. Hase yeeshee saraakiisha dowladda ayaa ka cabsi qaba in tirada dhimashada ay intaasi ka badnaan doonto, maadaama wali la la’yahay dadka qaar.

Dadka ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay gobolka South Carolina, halkaas oo ay saraakiishu sheegeen in duufaantu dishay ilaa 25 qof, kuwaas oo intooda badani ay ku soo dul dhaceen geedo.

Qiyaasta hantida ku burburtay ayaa lagu qaddaray cadad u dhaxeeya 15 ilaa 100 bilyan oo dollar.

Related posts

Meeshan Doono Hakala Dhaco Madaarka Boorama Bisha 5aad Ee Sanadka Danbe Horteed Waa Dhamaad” Wasiir Saajin.

Abdiaziz Bnnstaff

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo Kansar ku dhacay & Joe Biden oo muddo ku qaadatay in xogtiisa uu helo.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxtooyada Somaliya Oo Faahfaahin Ka Bixisay Safarka Madaxwayne Xasan Sheekh Ee Dalka Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff