Borama News Network

Askar loo heystay in ay dileen Guddoomiyihii Deegaanka Mareerey oo xukun lagu riday

Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay xukun ku ridday Daadir Cali Cismaan iyo Cabdullaahi Cismaan oo walaalo ah kuwaas oo loosoo xiray in ay dileen Guddoomiyihii Deegaanka Mareerey Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale.

Daadir Cali Cismaan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah oo qiyaasta marxuumka ku baxay gacantiisa ah, halka xorriyaddiisa dib loo siiyay Cabdullaahi Cali Cismaan oo la socday markii la dilayay Xuseen balse la caddeeyay in aanay qayb ka qaadan.

Ninka Dilka lagu xukumay ayaa horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida kahor caddeeyay in uu dilay Guddoomiyihii Mareereeyay una dilay sabab la xiriirta in uu horay u dilay Walaalkiisa inkasta oo laga heshiiyay Dilkaas hore.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida waxaa loo gudbiyay racfaanka laga qaato Maxkamadda Derajada 1aad haddii labada dhinac midkood uu ku qanci waayo xukunka ay riddo waa Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo qareennada difaacaya Dadka eedaha loo heysto.

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Ruushka Vladamir Putin Oo Digniin Culus U Diray Reer Galbeedka

Abdiaziz Bnnstaff

Duqeyn lagu dilay xubno sar sare oo katirsan AS oo ka dhacday Degmada Alkowsar iyo dowladda oo sii..

Abdiaziz Bnnstaff

Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Hilaac Oo Shaaciyay In Ururka Hilaac Uu Ka Qayb Galayo Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff