Somali State Oo Sheegtay In Ay Ku Raad Joogaan Ragii Xasuuqa Ka Gaystay Raaso

Wasiirka xafiiska dawlada deegaanka Soomaalida Cali Badal Muxumed ayaa waxa uu sheegay in maamulka dawlad deegaanku ay ku raad joogaan in ay ka jawaabaan xasuuqii ka dhacay deegaanka Raaso .

Waasiir Badal ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda ay soo qabqabteen xubno iyo masuuliyiin lagu tuhunsan yahay in ay lug ku lahaayeen xasuuqii deegaanka Raaso.

Waxa uu xusay in taallaabooyinkii dabagalka ahaa ee ay qaadeen Laamaha amniga dawlad deegaanka ay ku soo qabqabteen ilaa Saddex xubnood, Afar kalena ay hadda xabsiga dhigeen.

Waxa uu intaa ku daray wasiir Cali Badal Muxumed in ay xabsiga dhigeen, masuuliyiin gaaraya ilaa 40 xubnood, kuwaas oo iyaguna baaritaan in la marsiiyo sugaya, isla markaasina sharciga la horgayn doono.

Dhinaca kale kal hore ayaa Odayaasha dawlad deegaanka ,oo ka hadlay arrintan waxa ay ku eedeeyeen, in xasuuqii dadka badani lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Raaso, uu ka dambeeyay madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar, isagoo bixiyay amarkii lagu xasuuqay dadka badan ee ka dhacay deegaanka Raaso, sida ay hadalka u dhigeen.

Related posts

Madaxwayne Museveni Oo Lagu Eedeyay Inuu Xasuuq U Adeegsaday Ciidamo Laga Qaaday Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

Midawga Yurub Oo Mar Kale Ugu Cunaqabatayn Ugu Hanjabay Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Berbera Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More