Borama News Network

Tirada dhimashada oo sare u kacday ka dib fatahaadii ku dhufatay Bartamaha Yurub

Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay fatahaadda ku dhufatay bartamaha Yurub dabayaaqadii todobaadkii dhamaaday, iyada oo khasaaraha ugu badan uu ka dhacay Czech Republic, Poland iyo Austria.

Dalka Czech Republic, hal qof ayaa ku qaraqmay tog ku dhow magaalada Bruntal ee Waqooyi-bari ee dalkaas, iyadoo ilaa hadda la la’yahay toddobo qof.

Afar qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen Poland, inkastoo afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha uu sheegay in sababta saxda ah ee dhimashada weli la ogaanayo ugu yaraan hal kiis.

Dalka Austria, laba qof oo kala ah 70 jir iyo 80 jir ah ayaa ku dhintay waqooyi-bari ee dalka. Mid ka mid ah dadkaas oo deggan magaalada Höbersdorf ayaa sida muuqata isku dayayay inuu biya kasoo saaro gurigiisa markii uu daadku soo galay, sida ay ku warrantay warbaahinta Austria.

Siddeed dhimasho ah ayaa la diiwaan galiyay dhamaadkii todobaadkan Poland, Romania iyo Austria, halkaas oo nin ka sahqeeya dabdemiska u uku dhintay hawlgal samata bixin ah oo uu sameynayey.

In kasta oo ay xaaladuhu degeen qaybo ka mid ah bartamaha Yurub, qaar kalena ayaa isku diyaarinaya carqalado iyo khatar dheeraad ah.

Slovakia, buux dhaafka webiga Danube ayaa sababay fatahaad ka dhacday magaalada Old Town ee caasimadda Bratislava, iyadoo warbaahinta maxalliga ah ay soo werisay in heerka biyuhu ay kor u dhaafeen 9m (30ft) lana filayo inay sare u kacaan

Related posts

Magaalada Hargeysa Oo Maanta La Quraan saarayo Iyo Dhalinyaro Ka Badan 200 Oo Qof Oo Akhrinaya 30Jis Ee Quraank

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Muwaadiniinteeda Ka Soo Daadgureyneysa Sacuudiga

Abdiaziz Bnnstaff

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff