Borama News Network

Dal ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya shidaalka oo gawaaridiisa u beddelaya kuwa ku shaqeya korontada

Norway oo ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya saliida ayaa hadda waddooyinkeeda lagu isticmalaaa baabuurta korontada ku shaqeysa, marka loo eego kuwa shidaalka ku shaqeeya.

2.8 milyan oo Gawaari ah oo gaar loo leeyahay ayaa ka diiwaan gashan dalka, 754,303 ayaa hadda ah kuwa ku shaqeeya korantada, halka 753,905 ay ku shaqeeyaan shidaal, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ka soo baxay ururka waddooyinka Norway.

Dalkan ku yaal Waqooyiga Yurub oo ay ku nool yihiin 5.5 milyan oo qof ayaa hiigsanaya inuu noqdo waddankii ugu horreeyay ee soo afjara iibinta baabuurta cusub ee ku shaqeysa shidaalka iyo naftada – marka la gaaro 2025-ka.

Canshuur dhimista loo sameynay iibinta gawaarida Korontada (EVs) ayaa la kordhiyay iyo dhiirigelin kale taas oo lagu malagelin doono qeyb weyn oo ka mid lacagta ay Norwey ka sameyso saliidda iyo gaaska.

Waddanku waxa uu leeyahay sanduuq maliyadeed oo madax-banaan oo qiimihiisu ka badan yahay $1.7 tiriliyan (£1.3tn), oo laga dhisay dakhliga ka soo baxa goobaha saliidda, si uuunoqdo “sanduuqa hawlgabka” marka uu soo dhammaado.

Related posts

Markabkii La Qafaashay Oo Kusoo wajahan Xeebaha Garacad

Abdiaziz Bnnstaff

Dadka u Dhimanaya Macluusha Ka Jirta Gaza Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Sii Kordhaan!

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Lubnaan iyo tirada dhimashada oo gaadhay wax ka badan afar boqol

Abdiaziz Bnnstaff