Dalal Badan Oo Mumnuucay Safada Dalka Ingiriiska Iyo Sobobta Oo La Shaaciyay

Dalalka Yurub ayaa bilaabay inay mamnuucid safarka ah ku soo rogaan UK kaddib markii laga helay nooc cusub oo aad u faafa oo coronavirus ah.

Ireland, Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Netherlands iyo Belgium ayaa dhammaantood joojinaya safarrada UK.

Kulan Midowga Yurub uu yeelanayo saakay ayaa looga doodi doonaa sidii looga fal celin lahaa arrintaas.

Nooca cusub ayaa si degdeg ah ugu faafay London iyo koofur-bari England.
Ra`iisul Wasaare Boris Johnson ayaa Sabtidii soo saaray xayiraado cusub, kuwaas oo meesha ka saaraya rajadii laga qabay in xayiraadaha la khafiifiyo inta lagu guda jiro fasaxa Christmas-ka ee malaayiin qof oo dalkaas ku nool.
Saraakiil caafimaad oo sare ayaa sheegay inaan wax caddeymo ah loo heyn in nooca cusub uu wato halis aad ah, amaba uu si ka duwan uga fal celinayo tallaalka, balse waxaa la caddeeyay in 70% uu yahay mid aad u faafa.

Wasiirka Caafimaadka Matt Hancock ayaa sheegay in nooca cusub “uu xadka ka baxay. Waa inaan xakameynaa”, ayuu yiri isagoo qiray in ay tahay “qaab adag oo lagu sagootinayo sanad xun”.
Saacado gudahood markii UK ay ku dhawaaqday arrintan Sabtidii, Netherlands ayaa sheegtay inay mamnuuci doonto dhammaan safarrada rakaabka ah ee ka imaanaya UK ilaa 1 January.
Gelinkii dambe shalay waxay sidoo kale mamnuucay maraakiibta rakaabka ee ka imaanaya UK.

Dalkaasi ayaa Axaddii shaaciyay kororka kiisaska coronavirus oo ka badan 13,000 – waa rikoor cusub, inkastoo tan iyo 14-kii December uu soo rogay xayiraado adag.

Dalal badan oo Yurub ah ayaa shalay ku dhawaaqay xayiraado cusub oo ballaaran.
Faransiiska ayaa muddo 48 saacadood ah xiriirka safarka u jaray UK, oo ay ku jiraan gawaarida xamuuka, taas oo dhaqan gashay xalay saqdii dhexe.

Kumannaan gawaarida xamuulka ah ayaa isaga kala goosha dalalkaas maalin walba.

Iyadoo ka jawaabeysan tallaabadan Faransiiska, Eurotunnel ayaa sheegtay inay hakineyso shaqada. Dadka qorsheynayay inay maanta safraan ayaa lacagtooda loo celin doonaa.

Arrinta gawaarida xamuulka ayaa noqotay mid saameyn leh iyadoo Mr Johnson lagu wado inuu maanta qabto shir degdeg ah oo uu arrintaas kaga hadli doono.

Ireland, oo xiriir safarka ah oo muuqda xilliyadan oo kale la leh UK, ayaa waxay dowladda ku dhawaaqday in safarrada ka imaanaya England, Wales iyo Scotland la mamnuuci doono ugu yaraan 48 saacadood laga bilaabo xalay saqdii dhexe, sidoo kalena “iyadoo laga fekerayo caafimaadka bulshada, dadka ku nool Britain, iyadoo aan la eegeyn dhalashadooda, aysan cirka iyo badda ugu safri karin Ireland”.

Gawaarida xamuulka ayaa geli kara dalkaas.

Jarmalka, amar ka soo baxay wasaaradda gaadiidka ayaa lagu sheegay in diyaaradaha ka imaanaya UK aysan soo caga dhigan karin dalkaas laga bilaabo xalaq saqdii dhexe, inkastoo kuwa xamuulka aysan ku jirin. Wasiirka Caafimaadka Jens Spahn ayaa sheegay in nooca cusub ee coronavirus ee UK aanan weli laga helin Jarmalka.
Biljamka ayaa hakiyay duullimaadyada iyo tareennada ka imaanaya UK xalay saqdii dhexe ugu yaraan muddo 24 saacadood ah.

Talyaaniga ayaa sidoo kale mamnuucaya dhamaan safarrada ka imaanaya UK ilaa 6-da January. Kiiskii ugu horreeyay ee nooca cusub ee UK ayaa sidoo kale laga helay Talyaaniga, wasaaradda caafimaadka ayaa sidaas shaacisay shalay. Bukaanka ayaa haatan lagu karantiilayaa Rome.

Austria ayaa dooneysa inay mamnuucdo safarrada ka imaanaya UK.

Bulgaria ayaa mamnuucday duullimaadyada ka imaanaya iyo kuwa aadaya UK laga bilaabo saqdii dhexe xalay balse, mamnuuciddeeda waxay ku ektahay ilaa 31-ka January.

Turkey ayaa si ku meel gaar ah u mamnuucay dhammaan safarrada ka imaananaya UK, Switzerland ayaa sidaas oo kale sameysay.

Shir ay yeelanayaan Golaha Yurub ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo maanta kaas oo looga tashanayo sidii tallaabooyin wada jir ah ay u qaadi lahaayeen dalalka Yurub.

Waa sidee xaaladda meelaha kale?
Canada ayaa sidoo kale joojisay dhammaan duullimaadyada rakaabka ee ka imaanaya UK muddo 72 saacadood ah, taas oo dhaqan gashay saqdii dhexe (05:00 GMT). Rakaabka galay Canada ee ka yimid UK Axaddii ayaa lagu soo rogi doonaa tallaabooyin ka hortag ah.

Dalalka kale ee doonaya inay ku dhawaaqaan xayiraad safarka ah oo UK lagu soo rogo waxaa ka mid ah Israel, Iran, Croatia, Argentina, Chile, Morocco iyo Kuwait.

Dhanka kale, Sacuudiga ayaa muddo toddobaad ah joojiyay dhammaan

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxay Yihiin Qodobada Ay Ku Yeshiiyeen Somaliland Iyo Kenya?

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Guddoomiyeyaasha KMG Ah Ee Labada Aqal Baarlamaanka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Fanaanka La Tartamaya Mid Ka Mid Ah Hoggaamiyayaasha Ugu Xukunka Dheer Dalalka Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More