Borama News Network

Dagaalka ka socda Gaza oo galay 100 maalmood & Israaiil oo duqaynta sii kordhisay.

Dagaalka & duqaynta ciidamada Israaiil ay ku qaadeen Magaalada Gaza ayaa maanta galay maalintii 100aad waxaana ciidanka gumaysiga ay gaysanayaan tacadi ka dhan ah Shacabka ku sugan Xaafadaha Magaaladaas.

Ciidanka Israaiil ee ku guuldaraystay dagaalka lugta ah ee sida tooska ah uga socda Magaalada Gaza ayaa kordhiyay duqaymaha ay ka fulinayaan Koofurta & Waqooyiga Magaaladaas iyada oo waxyeello xooggan gaarsiiyay Dadka rayidka ah.

Muddada boqolka maalmood ah waxaa Yuhuudda laga diiwaangeliyay oo ay gaysteen xasuuq iyaga oo beegsaday Isbitaallo, Iskuullo, Xeryo barakac & goobo kale oo ay gabbaadsadeen Dadka rayidka ah ee Falastiin.

Dadka ay dileen ku dhowaad 10 kun waa carruur kuwaas oo xitaa waayay goobo lagu daweeyo maadaama ciidamada Yuhuudda ay beegsadeen goobihii lagu dawayn lahaa ee Isbitaallada halka dawo la’aan qaarkood ay ku dhacday.

Xasuuqa Israaiil waxaa usii dheer go’doon xooggan oo ay geliyeen dhinaca Magaalooyinka oo waxa ay diideen in loo gudbiyo gargaarka la geeyay Dalka Masar taasi ayaa keentay in Koofur Afrika ay ku dacwayso Israaiil oo waxa ay la kortay Maxkamadda ICJ.

Askarta Israaiil qudhooda waxa ay dagaalka ku waayeen saraakiil iyo askar muhiim u ah halka laga gubay Gaadiid aad u badan iyada oo ay intaas ay dheer tahay diyaarado laga soo riday muddada uu dagaalka xooggan socda.

Dagaalka Gaza waa uu ka tallaabay Magaaladaas oo waxaa si siman duqayn xooggan Israaiil ku garaacaya Xisbullaah oo Lubnaan ka dhisan & Xuutiyiinta fadhigoodu yahay Jamhuuriyadda Yemen halka kooxo kale oo Suuriya iyo Ciraaq Jooga dagaalku qayb ay ka yihiin.

Related posts

“Wasiir Maxamed Kaahin 30 Sano Ayuu Been U Sheegay Shacabka Ninkiis Waynu Kamuu Xishoon Dadka”Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya”Wasiir Maxamed Kaahin 30 Sano Ayuu Been U Sheegay Shacabka Ninkiis Waynu Kamuu Xishoon Dadka”Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka Oo Qorshaynaya Sidii Uu Saldhig Milatari Uga Samaysan Lahaa Dalka Eritrea

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamadda Cadaaladda oo Diiday Codsigii Koonfur Afrika Ee ku Aadanaa Waxa Ay Ugu Yeedhay Xasuuqa Qasa.

Abdiaziz Bnnstaff