Madaxweyne Qoor Qoor:” Waa In Loo Midoobo La dagaalanka Al-Shabaab”

Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlayay dadweyanaha Galmudug ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed inay xoojiyaan ka hortaga fikirka xagjirka una midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa kaloo uu sheeay in hada la taaganyahay dhammaadka waqtigooda, hayeeshee ay muhiim tahay in siwadajir ah loola dagaalamo.

“in la cadeeyo timaalamaha xagjiririinta argagixisada waxaan ka rabnaa culimadda inay xoojiyaan maadaama ay kooxahaan ka been sheegayaan diinteyna subaan oo ay ku baneysteen dilka dadka rayidka ayuu yiri madaxweyne qoor qoor.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor qoor waxa uu bulshada ugu baaqay inay umidoobaan la daagalanka argagxisada si looga dulqaado dhibaatooyinka ay ku hayaan guud ahaan dalka.

“Waa inay bulshada umidoobaan la dagaalanka argagixisada si aan uga adkaanno cadawga baneystay dhibaateynta dadka shacabka ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne qoor qoor.

Hadalkaan ayuu madaxweyne qoor qoor ka sheegay munaadabada calmoo saarka duqa degmada Galkacyo isagoo ka falcelinayay weerarkii lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee 18-kii bishaan ka dhacay magaalada Galkacyo.

Xafiisk Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Tirada Ciidanka Arminya Laga Laayay Dagaalkii Gobolka Karabaakh Oo La Shaaciyay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo War Ka Soo Saaray Diiwaangalinta Murashaxiinta Ka Tartami Doona Xisbigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Oday Si Arxan Daro Ah U Dilay Gabadh Uu Dhalay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dhacdadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More