Kenya Oo Suuq Cusub U Raadinaysa Qaadka Miirooga Ah Ka Dib Marka Ay Somaliya Joojisay Qaadkaasi

Wasaaradda Ganacsiga ee Kenya ayaa qorsheyneysa inay raadiso seddex suuq oo cusub oo loo dhoofiyo khaatka iyadoo khilaaf diblomaasiyadeed uu dib u dhac ku yimid soo kabashada suuqa ugu weyn Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee wasaaradda Johnson Weru, oo la kulmay wafdi ganacsato ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Meru Kiraitu Murungi Jimcihii ayaa sheegay in wasaaradu ay bilaabi doonto ka qeyb galka wadamada ay ka mid yihiin Jabuuti, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo Mozambique.

Mr Weru ayaa sheegay in wasaaraddu ay warbixinno ka bixin doonto suuqyada cusub dhammaadka bisha Maarso ee sannadka soo socda.

“Waxaan helnay codsi ka yimid beeraleyda waxaana la shaqeyn doonnaa adeegeena diblomaasiyadeed si aan wadahadal ula furno Jabuuti, DR Congo, Mozambique iyo wadamada kale ee Africa. Maamulka gobolka waa inuu abaabulaa beeraleyda si ay uga shaqeeyaan shuruucda wadamada aan la ganacsanayno,” Ayuu yiri Mr Weru.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Farmaajo Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Umada Muslimiinta Baaqna U Diray Laamaha Amaanka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Shacabka Muqdisho Ka Yidhaahdeen Heshiiskii Mucaaridka Iyo Xukuumada Iyo Baaqashada Mudaharaadka

Bnnstaff Bnnstaff

Dib U Dhac Ku Yimidh Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya Oo Maanta Loo Balansanaa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More