Dowlada Somaliya Oo Heshiis Dayn Cafin Ah La Saxeexatay Sadex Dal

Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiisyada Deyn Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris “Paris Club”.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka Mareynkanka.
Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay, waxaana dowladda ay heshiiska la saxiixatay Ingiriisk, Denmark iyo Netherlands.

“Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa England, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million oo doolarka Mareykanka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaal xoog oo ku aadan Arrimaha deyn cafinta dalka, isla markaana waxaa xusid mudan in dowladda horey looga Cafiyay lacago aad u badan oo deyn ahaa loogu lahaa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaramada Midoobay Digniin Xoogan Ka Soo Saartay Xaalada Bani’aadantimo Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Musharixiinta Oo Kasoo Horjeestay Go’aan Kasoo Baxay Dowladda Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

“Somaliland Waxa Curyaamiyay Waa Mudo Kordhinta” Gudoomiye Faysal Cali Waraabe

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More