Madaxda Maamulada Galmudug Iyo Puntland Oo Kulan Gaar Ah Yeelanaya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Arbaco ah ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Waqooyi.

Madaxweyne Saciid Deni oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa safar duulimaad gelinka dambe ee Maanta ku tegaya halkaas, waxaana socda qorshe lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha Puntland ayaa kulan gaar ah Gaalkacyo kulan qaadan doona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo halkaas, iyagoona ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay ka wada hadli doonaan Arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan doorashada dhaceysa ee weli uu muaranka ka taagan iyo Arrimo kale oo ku aadan labada maamul.

Ammaanka guud ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa saakay Magaalada ka dhacay howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayay amniga, maadaama uu ku wajahan Madaxweyne Saciid Deni.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaalada Isaga Kala Goosha Qaaradaha

Bnnstaff Bnnstaff

Muqdisho Oo Lagu Soo Gebagebeeyey Shirweyne Lagu Lafaguray Dhibaatada Maandooriyuhu Ku Hayo Bulshada

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Tahay Halis Ku Soo Socota Somaliland Ee Uu Ka Digay Proff Axmed Ismaaciil Samatar ?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More