Borama News Network

Gabar 5 jir ah oo la sheegay in dabaq laga tuuray oo u geeriyootay dhaawicii kasoo gaaray

Maryan Mahad Caddow oo ah Gabar 5 jir ah oo shalay la sheegay in laga soo tuuray Dabaq ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa saakay u geeriyootay dhaawac halis ah oo kasoo gaaray falkaas.

Sida ay xaqiijiyeen xubno kamid ah Ehelka Maryan, saacadihii lasoo dhaafay waxaa socday dedaal xooggan oo ay sameynayeen dhaqaatiirta kiiskeeda gacanta ku heysay balse ugu dambeyn waa ay geeriyootay.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaris ku haya kiiskaan, ma jiro war kasoo baxay oo ay uga hadlayaan arrintaan maadaama ehelka Maryan Mahad ay sheegeen in dabaq shan biyaanno ah laga soo tuuray.

Arrintaan ayaa dhalisay falcelin badan oo dhanka Bulshada ah, Hay’adaha Amniga waxaa horyaalla Su’aalo badan oo ku gedaaman kiiskaan in ay jawaabtooda soo bandhigaan maadaama ehelka Inantaas ay sheegeen in ay ka warsugayaan.

Sidoo kale, Ehelka Maryan Mahad Caddow oo la hadlay Warbaahinta ayaa caddaalad u dalbaday Gabadhooda, waxa ay ka gaabsadeen in ay soo bandhigaan xogta qofka degen guriga ay sheegeen in laga soo tuuray gabadhooda.

Related posts

Duleedka Hargaysa Oo Rag Hubaysan 24 Sacaadood U Qabteen Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

“Dadka Reer Awdal Yaan Sidii Reer laascaanood looxoqin.” Ahmed Muumin Seed.

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Dowladda Somaliya Oo Si Buuxda Ula Wareegay Amniga Goobaha Ay Ka Baxeen Ciidamada ATMIS

Abdiaziz Bnnstaff