Borama News Network

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Qurba Joogteenna Soomaaliyeed Waxa Ay Buuxiyeen Kaalintii Dowladnimada.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad ka jeediyay Shirka Qurbajoogta Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay dalka Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay dowrka muhiimka ah ee qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo ku boorriyay maalgashiga ay ka sameeyaan Soomaaliya.

“Qurba joogta Soomaaliyeed waxa aad buuxiseen kaalintii dowladnimada, ku dhawaad 2 Bilyan ayaa waxa aad sannad walba u dirtaan dalkiinna hooyo, taageeradiinna dhaqaale waxa ay ka badan tahay gargaarka caalamiga ah iyo kaalmada Soomaaliya ee la siiyo oo la isku daray.” ayuu yiri: Ra’iisul Wasaare Xamsa

Sidoo kale, waxa uu xusay in qurbajoogta ay yihiin lafdhabarka isbeddellada wanaagsan ee Soomaaliya ka socda, isagoo tilmaamay sida ay qeyb uga noqdaaan dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha, amniga, iyo adeegyada bulshada.

Related posts

26ka June Waa Malinkii Aduunyadu Noo Aqoonsatay Dal Madaxbanaan” Suldaan Naasir

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Cali Cantar, muxuu ka yidhi xaalada Ceerigaabo iyo reer Laascaanood?

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Iyo Xukuumadii-su Waxay Ku Sifoobeen In Ay Yihiin Qaran-dumis Waxaana….” Xisbiga Waddani Oo U Jawaabay Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha

Abdiaziz Bnnstaff