Borama News Network

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir looga hadlay la dagaalanka Daacish

Dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada Washington waxaa ka dhacay Shir ay isugu yimaadeen Wasiiro ka kala socday 87 Dal oo horay ugu midoobay la dagaalanka Daacish si ay uga arrinsadaan arrimo dhowr ah sida hadalka loo dhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken oo shir guddoomiyay kulankaan ayaa xubnihii metalayay Dalalka kala duwan usoo jeediyay Qorshaha Dalkiisa ee la xiriira xoojinta weerarrada ka dhanka ah ISIS.

Blinken ayaa tilmaamay in Dowladdiisa diiradda ay saartay howlgallada ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray ‘Argagaxisada’ isla markaana guullo muhiim ah ka sheegtay in ay ka gaareen muddada ay howlgalkaan wadaa sida uu yiri.

Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Cali Cumar (Cali Balcad) waxaana madasha uu ka sheegay doorka Soomaaliya ee la dagaalanka waxa loogu yeero ‘Argagixisada’.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordhisay dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo Daacish iyada oo ka sheegatay in guullo muhiim ah ka gaartay isla markaana ay dishay mas’uuliyiin katirsan sida ay hadalka u dhigtay.

Related posts

Dowlada Jabuuti Oo War Ka Soo Saartay Shirkii Dalkaasi Ku Dhex Maray Madaxwaynayaasha Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Imaam Masaajid Oo Lagu Dilay Maraykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Reer Awdal waxaan ugu baaqeyaa in ay cod iyo cududba ku garab istaagaan xil Maxamed Abiib” Garyaqaan Mukhtaar

Abdiaziz Bnnstaff