Borama News Network

Israa’iil oo sheegtay inay Lubnaan ku qaadday weerar dhanka dhulka ah

Israa’iil ayaa sheegtay in ay qaaday weerar dhulka ah oo xaddidan oo ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid xaddidan, waxaana lagu taageeray duqeymo iyo madaafiic.

War saxaafadeedkeeda ayaa lagu sheegay in ay Israa’iil Xisbullah ku beegsatay “tuulooyinka u dhow xadka” Israa’iil.

Mid ka mid ah duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lagu garaacay xero weyn oo ay ku nool yihiin dad Falastiiniyiin ah taas oo u dhow Sidon oo ku taalla koonfurta Lubnaan.

Hawgalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Wasiirka difaaca Israa’iil uu shalay wacad ku maray in ciidankoodu ay qaadi doonaan duulaan dhulka ah oo ay ku qaadaan koonfurta Lubnaan. Waxa uu sheegay in ciidamada ku sugan xuduuda ay isticmaali doonaan xoog oo dhanka cirka, dhulka iyo badda si ay ugu oggolaadaan dadka Israa’iil ee barakacay inay ku laabtaan guryahoodii.

Balse dhanka kale waxaa ka jawaab ceiyay Ku xigeenka hogaamiyaha Xisbullah kaas oo sheegay in dagaalyahanada kooxdu ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan duulaanka Israa’iil.

Khudbaddiisii ugu horreysay ee xubin sare oo ka tirsan Xisbullah tan iyo markii la dilay hogaamiyahooda Jimcihii, Naciim Qasem wuxuu sheegay in Xisbullah ay u diyaar-garowday duulaan dhulka ah oo dhanka Israa’iil kaga yimaadaa.

Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa isna ku dhawaaqay in ciidamada dalkaasi ay sidoo kale diyaar u yihiin inay difaacdaan aagga xadka haddii loo baahdo.

Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa dhiggiisa Israa’iil Yoav Gallant, ku taageeray, ujeeddooyinka duulaanka dhulka ee Lubnaan.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in labada nin ay ku heshiiyeen baahida loo qabo in la burburiyo kaabayaasha weerarka ee xuduuda Israa’iil iyo Lubnaan.

Waxay intaas ku dartay in ujeeddadu ay tahay in la hubiyo in Xisbullah aysan qaadi karin weerarro qaabeysan oo ka dhaca waqooyiga kuwaas oo la mid ah kuwii 7-dii October ay Xamaas ku qaadday Israa’iil.

Bayaankeeda ayaa lagu sheegay in Lloyd uu carrabka ku adkeeyay inay jiri doonto wax uu ugu yeeray cawaaqib xumada Iran hadii ay qaado weerar militari oo toos ah oo ka dhan ah Israa’iil.

Sidoo kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la gaaro qaraar diblumaasiyadeed si loo xaqiijiyo in dadka rayidka ah ay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahoodii ku yaalay labada dhinac ee xadka.

Hadalkiisa la xiriira Iran ayaa imanaya iyadoo ay Iran sheegtay in weerarrada Israa’iil ee Lubnaan iyo dhulka Falastiiniyiinta aysan noqon doonin mid jawaab la’aan ah.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Naasir Kanani ayaa u sheegay wariyeyaasha Tehraan in Iran aysan doonayn dagaal, balse aysan ka waaban doonin in ay u dhaqaaqdo difaaceeda nafteeda iyo danaheeda.

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Shuruud Adag Ku Xidhay Wadahadal Ay La Gasho Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Inankaygu Caadi Maaha Aabihiina Ma Xidhine Waa Loo Adeegsaday Oo Dowlada Xidhay” Hooyada Abwaan Abees

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre muxuu kala hadlay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya?