Borama News Network

Ra’iisul Wasaarihii Japan Fumio Kishida oo is casilay & qofka buuxinaya Booskaas oo la ogaaday

Aroornimadii hore ee Talaalada maanta ah waxaa Dalka Japan is casilay Ra’iisul Wasaarihii Dalkaas Fumio Kishida iyo xubno katirsan Wasiirradiisa iyada oo tallaabadaan la hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay sida ay ku warrantay Warbaahinta.

Kulankiisii ugu dambeeyay oo uu la yeeshay Golaha Wasiirrada ayuu Kishida ku sheegay in uu is casilay waxaana isla go’aankaas ku raacay oo la qaatay in ay xafiiska banneeyaan xubno katirsan Wasiirradii sida dhow ula soo shaqeeyay.

Xogyahaha Golaha Wasiirrada Japan Hayashi ayaa Warbaahinta u sheegay in uu is casilay Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida iyo Wasiirradiisa, waxa uu intaas ku daray in Baarlamaanka Dalkaas uu si degdeg ah arrintaan uga hadli doonno.

Isla maanta ayaa lagu wadaa in uu Booskaas buuxiyo Shigeru Ishiba oo qudhiisa laga sugayo in uu soo dhiso ama soo magacaabo Xukuumad ka awood badan tii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii Is casilay, taasina ay tahay mid ay indhaha ku hayaan Dadka Japan.

Ra’iisul Wasaarihii is casilay ee Dalka Japan Fumio Kishida ayaa xilkaas qabtay 4dii Oktoobar sanadkii 2021, waxa uu xilka ku helay codbixin celceliskeedu gaareyso 71% isaga oo 67 jirkaan kusoo dhisay Xukuumaddiisa.

Related posts

“Waxaan Samaynaynaa Dabagal Iyo Diiwangalinta Cid Kasta Oo Ku Xadgudubta Sharciga” Musharax Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Duulimaadyada Gudaha Ee Garoonka Aadan Cadde Oo Maalintii Labaad Hakad Ku Yimid

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Ciidamo Cusub U Dirtay Dalka Somaliya Iyo Goobaha Ay Ciidamadaasi Degayaan

Abdiaziz Bnnstaff