Borama News Network

FIFA oo 6 Bil Ganaaxday Madaxa Xidhiidhka Cayaaraha Cameroon Samuel Eto’o Iyo Sababta Keentay Ganaaxaasi

Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa muddo lex bil ah ganaax dul dhigtay Ciyaaryahankii hore ee Xulka Cameroon iyo Kooxaha Barcelona, Inter Milan & Chelsea ee Samuel Eto’o kaddib markii uu ku xadgudbay anshaha Hay’addaas.

FIFA iyo Eto’o waxa ay isku qabteen kulan ciyaareedkii Xulka Cameroon uu kahortagay dhiggiisa Brazil ee 11kii September 2024 ka dhacay Dalka Colombia, bayaanka FIFA ayaa lagu sheegay in laga mamnuucay dhammaan ciyaaraha ragga iyo dumarka in uu qayb ka noqdo ninkaan.

“Tallaabadaan waxa ay timid kaddib markii Samuel Eto’o uu sameeyay anshax xumo iyo in uu jebiyay xeerarka u yaalla Hay’adda FIFA intii lagu guda jiray kulankii ciyaartoyda Gabdhaha ah ee da’doodu ka yar 20ka sano ay dheelayeen wareegga 16ka ee Koobka Adduunka Haweenka ee lagu ciyaaray Bogota, Colombia 11-September-2024” Sidaasi waxaa lagu yiri War kasoo baxay Hay’adda Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

Sidoo kale, FIFA ayaa ka digtay dabeecadaha qalafsan iyo rabshadaha uu ku lug yeelanayo Madaxa Ciyaaraha Dalka Cameroon ee Fecafoot loosoo gaabiyo waa Samuel Eto’o isaga oo xilkaan haya laga soo billaabo sanadkii 2021.

Related posts

Hogaanka Urur siyaasadeedka Kaah oo Si diiran loogu soodhaweeyay degmooyinka Dila Xariirad,Ceelbaxay Iyo Aroorseel Ee Gobolada Awdal Iyo Salal

Abdiaziz Bnnstaff

“Ma odhan madaxweynaha ma hambalyaynayo” Wasiir Buuni Iyo Warbaahinta Maxaa Ka Haysta.

Abdiaziz Bnnstaff

Fadhigii Golaha Guurtida Ee Maanta Si Deg Deg Ah Loo Fasaxay Ka Dib Buuq Xoogan Oo Dhex Bilaabmay Golaha

Abdiaziz Bnnstaff