Borama News Network

xuska sannad guuradii weerarkii Xamaas ee Israel iyo dhibanayaasha oo isugu baxay meel fagaare ah

Ehelada iyo saaxiibada boqolaal qof oo lagu dilay goobta caweyska muusikada ahayd ee Nova Music Festival ee Re’im, Israel, 7-dii Oktoobar sanadkii hore, ayaa maanta isugu soo ururay in ay xusaan weerarkii dhacay hal sano ka hor.

Heestii ugu dambeysay ee shidnayd 7-dii Oktoobar sanadkii hore, ka hor markii weerarkii Hamas uu haleelayey, ayaa mar kale loo ciyaaray dadkii maanta halkaas isugu yimid si loo xuso dhacdada.

Dhanka kale, magaalada Jerusalam, qoysaska dadka la afduubtay ayaa isugu soo baxay, iyaga oo codsanaya in diiradda la saaro dadka wali ku jira gacanta Hamas ee Gaza.

Related posts

Shirkadaha diyaaraddaha caalamiga ah oo joojiyay duulimaadyadii tagi lahaa ama ka bixi lahaa garoomada Israa’iil iyo Lubnaan

Abdiaziz Bnnstaff

Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Digniin Culus U Diray Sariflayaasha Iyo Ganacsatada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Salaadiinta Beesha Gabooye Oo U Jawaabay Siyaasi Maxamuud Xaashi Iyo Jabuuti

Abdiaziz Bnnstaff