Borama News Network

Madaxweynaha cusub ee Itoobiya oo sheegay in ay fulinayaan heshiiska ay la galeen Somaliland

Madaxweyne cusub ee Itoobiya, Taye Atske Selassie oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay kaga hadlay xaaladda geeska Afrika iyo heshiiska ay la galeen maamulka Somaliland.

Isagoo ka hadlayay fadhiga wadajirka ah ee Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka, ayuu muujiyey sida ay Ethiopia u taageereyso xasilloonida gobolka iyo isku xirka dhaqaalaha.

“Ethiopia waxaa ka go’an inay kor u qaaddo nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo sidoo kale horumarinta wada noolaanshaha” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Itoobiya.

Mar uu ka hadlay heshiiska Somaliland ay la  saxiixdeen ee la xiriiray badda, wuxuu sheegay in uu yahay mid faa’iido ugu jirto labad dhinac, isla markaasna ay ka shaqeynayaan meelmarintiisa.

Heshiiskaasi ayaa waxaa si weyn uga horyimid shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamay mid dhaawac ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Ku adkeysiga Itoobiya ee heshiiskaasi ayaa sababay in ay natiijo la’aan ku soo dhammaadaan wada hadallo loo furay madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xalliyo xiisadda taagan.

Related posts

“Ninka 15 Sanno Madaxweyne Ku Xigeenka Ahaa Ee Markuu Rawaxay Yidhi ..” Wasiir Buuxane

Abdiaziz Bnnstaff

Madxawaynee Zelensky Oo Sheegay In Uu Soo Bandhigi Doono Qorshe Lagu Soo Afjarayo Dagaalka Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Dalka Yeman Oo Ku Dhawaaqay In Ay Awood U Leeyihiin Qaadiska Weeraro Culus Oo Ay Ku Burburiyaan Maraakiibta Waawayn

Abdiaziz Bnnstaff