Dawlada Jabuuti Oo Ku Dhawaaqday In Ay Xalinayso Khilaafka Ka Dhexeeya Somaliya Iyo Kenya

Dowladda Jabuuti oo loo xil saaray inay hakiso sii xumaashada khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa wafdi xaqiiqo raadin ah u dirtay xadka labada dal ee magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Tallaabadaas waxay ku timid shirkii madaxda urur Goboleedka IGAD ee maalintii Isniinta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo ay isku arkeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo qiratay in cadaadis lagu saaray in ay aqbasho dib u dajinta xiisadda, ayaa sheegtay in ay dalbatay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro xadka, kaddib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland laga soo abaabulay gudaha Kenya, ayna ku sugan yihiin xadka Mandheera ee dhinaca kale.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa warbaahinta u sheegay in wafdi ka socda Jabuuti – oo isugu jira diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan loo diray xadka kala qeybiya Beledxaawo iyo Mandheera, si ay xaaladda ugu soo kuur galaan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirad Ku Xigeenka Beeraha Yurub Abiib Oo Weerar Afka Ah ku Qaaday Wasiirkii Hore Beeraha Axmed Muumin Seed

Bnnstaff Bnnstaff

Wararkii Ugu Danbeeyay Dad Ku Dhintay Daadad Xooggan Oo Ku Rogmaday Magaalada Qardho

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Sirdoonka Dalalka Somaliya, Itoobiya iyo Ereteriya Oo ku Shiraya Adis-ababa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More