Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Shaaciyay Lacagta Ku Baxaysa Doorashada Somaliya

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo marti ku ahaa barnaamijka dood furan oo ka baxay Tv-ga dowladda ayaa xusay in wasaaradda maaliyadda dalka iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran ilaalinta hantida dawladda ay ka shaqaynayaan in hantida dawladda aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee heer Federaal.

Waxa uu sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishan si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, islamarkaana dawladdu bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

“Ma jiri doonto lacag aan intaas ahayn in loo istcimaalo doorashada, mana dhici karto, wasiirku xitaa qasnadda dawladda lacag kama saari karo hannaanka maaliyadeed baa diidaya” ayuu yiri wasiir Beyle.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda xukuumadda FS ayaa xusay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Dadkii Ka Barakacay Guryahooda Ugu Baaqay In Ay Dib Ugu Laabtaan Guryahooda

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Gudi Qaban Qaabo U Magacaabay Aaska Madaxwaynihii Hore Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Bukaaano La Il-Darnaa Xanuunka COVID-19 Oo Ku Geeriyooday Qarax Oksijiin Oo Ka Dhacay Gudaha Isbitaalkii Ay Ku Jireen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More