Borama News Network

Ururka Xisbulah oo digniin culus soo saaray

Ururka Hezbollah ayaa , ka digay in guryaha iyo saldhigyada millatariga ee xaafadaha la deggan yahay, oo qaarkood ku yaal magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga Israa’iil, ay noqon doonaan bartilmaameedkooda, iyagoo digniin u diray dadka deegaanka.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee France Press, xisbigu waxa uu ku eedeeyay ciidanka Israa’iil in ay guryo ku yaala qaar ka mid ah waqooyiga Israa’iil u adeegsadaan xarumo ay ku ururiyaan saraakiishooda iyo askartooda.

Magaalooyiinka waaweyn ee ay u digeen waxaa ka mid ah “Haifa, Tiberias, iyo Acre.”

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guryahan iyo saldhigyada ciidanku ay noqon doonaan bartilmaameedyada gantaalada iyo ciidamada cirka ee xisbulah, iyagoo uga digay dadka deegaanka inay ka ag dhawaadaan meelaha ay ciidamadu isugu yimaadaan si ay naftooda u ilaashadaan ilaa amar dambe.

Related posts

Dalalka Galbeedka Africa Ee Niger, Mali & Burkina Oo Ku Dhawaaqay Isbahaysi Ugaar Ah Oo Ay Ku Midoobeen

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Soomaaliya uga dhigan tahay in ay qabato Xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF?

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka gobolka Awdal oo Amaro Adag duldhigay shirkadah Korontada iyo Nadaafada ee magaalada

Abdiaziz Bnnstaff