Borama News Network

Markabka Shidaalka Ka Baaraya Soomaaliya Oo Ka Soo Gudbaya Kanaalka Suez

Markabka shidaalka ka baari doona xeebaha Galmudug ayaa maanta ka gudbaya kanaalka Suez isagoo ku sii jeeda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa bartiisa X ku qoray sheekada la xiriirta markabka ku wajahan badda Soomaaliya gaar ahaan tan Galmudug oo lagu wado in uu ka sameeyo baarista loo yaqaano 3D oo ka macno ah helitaanka halka ugu fiican ee laga daloolin karo ceelka shidaalka ee la qodayo.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa yiri “Markabka Oruç Reis ee baarista oo ay wehliyaan ciidamada badda ee Turkiga, ayaa hadda maraya marinka Suweys, waxaana uu dhawaan gaari doonaa aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.Tani waxay astaan ​​u tahay bog cusub iyo sida ay nooga go’an tahay inaan horumarino kheyraadka batroolka ee Soomaaliya

Related posts

“Dumarka Maxaa u Diidaya Inay Yagoo 40 Jira Ay Wiil Yar Guursadaan” Wasiir Yurub Abiib.

Abdiaziz Bnnstaff

Shacabka Magaalada Lughaya Oo Quriga Qaatay Wacadna Ku Maray In Ay Badooda Difaacanayaan

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Geelle Oo Qaabilay Madaxweynaha Khaatumo State

Mustafe haji