Borama News Network

Xasan Sheekh oo booqday xerooyinka tababarka ciidanka Soomaalida ee Dalka Eritrea + SAWIRRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii uu ku guda jiray booqashadiisa dalka Eritrea, waxa uu kormeeray xerada ay ku tababaranayaan Ciidamada Cirka Soomaaliyeed, halkaasi oo uu warbixinno uga dhageystay Macallimiinta iyo Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada.


Madaxweynaha ayaa ciidamada ku boorriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda aqoon kororsiga ah, si ay door taariikhi ah uga qaataan difaaca, dib u xoreynta iyo sugidda amniga dalkooda hooyo, waxa uuna xusay muhiimadda ay Ciidamada u leeyihiin ilaalinta madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay dowladdu uga go’an tahay tayeynta iyo hormarinta ciidamada qalabka sida

 

Related posts

Wasiir Shaashaa: “Dowladdu waxay Lacago siisay qaar ka mida ehelka Sheegow, Qaarna way u hanjabtay..

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka oo ka fiirsanaya adeegsiga hubka Nukliyeerka kadib weerarkii Ukraine ku qaadday

Abdiaziz Bnnstaff

Waxa Dhacday Qaataye Qaado Oo Hanti Badan Baa La Boobay” Xildhibaan Axmed Yasiin

Abdiaziz Bnnstaff