Xisbiga Kulmiye Laantiisa Sweden Oo Taageero iyo Hambalyo U ….

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xisbiga Kulmiye Ee Sweden oo nasoo gaadhay ayaa u Dhignaa Sidan…

Annaga oo ah masuuliyiinta iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye laantiisa dalka Sweden, waxan direynaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan guulaha isdabajoogga ah ee siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ay xukuumaddu si xeeladeysan uga midhakeentay xilliyadii u dambeeyay.

 Waxan bogaadineynaa hoggaanka sare ee xisbiga, uu ugu horreeyo madaxweynaha JSL mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne ku-xigeenka mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, guud ahaan xukuumadda, iyo gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda oo kaalin firfircoon ka qaadatay.

Guud ahaan shacbiga reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiguba waxay qirayaan in ay tahay tallaabo horay loogu qaaday waddadii ictiraaf raadinta, soona dedejineysa in dunidu garwaaqsato in ay Somaliland tahay xaqiiqo jirta oo aan layska indhatiri karin intaas in ka badan, lagama maarmaanna u ah ilaalinta nabadda gobolka, horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga caalamka intaba, maaddaama ay dhacdo buqcad istiraatiiji ah, leedahayna deggenaansho siyaasadeed oo joogto ah.

Ugu dambeyn waxan Allaha swt ka rajeyneynaa in uu siiyo dalkeenna horumar, dadkeennana amni iyo barwaaqo.

Guul Somaliland. Guul Kulmiye.

 

2020.12.27    Stockholm

Guddoomiyaha Kulmiye Sweden

Cabdikarim Axmed Warsame

Related posts

Wargeysyada Carbeed Maxay Ka Qoreen Go’aanka Falastiin Ku Diiday Gudoomiyenimada Jaamacadda Carabta?

Bnnstaff Bnnstaff

Xog:- Kumuu Ahaa Ninkii Weerarka Ka Gaystay Gudaha Dalka Faransiiska

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Trump Oo Digniin Ka Soo Saaray Dalaalada Xilka Qaadistiisa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More