Borama News Network

Shiinaha oo sheegay in ay garab taagan yihiin Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay Danjire Wang Yu, safiirka Shiinaha ee u fadhiya Safaaradda Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga dhaqaalaha, amniga, iyo arrimaha siyaasadda.

Safiirka ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa uga mahad celiyay dowladda shacabka Shiinaha dadaalada ay ku garab taagan yihiin Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta ay tahay sannad guuradii 10-aad ee furitaanka safaaradda Shiinaha, wuxuuna ugu hambalyeeyay Wasiirka iyo shacabka Soomaaliyeed Maalinta Calanka.

Related posts

Hogaanka Sare Ee Urur Siyaasadeedka Hilaac Oi Lagu Soo Dhaweeyay Gabilay

Abdiaziz Bnnstaff

Heer Kulka Dalka Cumaan Oo Gaadhay Halkii Ugu Saraysay Oo Ah 50 Digrii Iyo Digniino Loo Diray Bulshada

Abdiaziz Bnnstaff

“Dhumasho Dhabarku Muuqdo Qarankan Lagu Maamuli Maayo…..”Gudoomiyaha Kulmiye Maxamed Kaahin Oo Reer Gabilay La Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff