Borama News Network

Iran Oo Hawada Sare u Dirtay Labo Dayax-gacmeed Oo Laga Diray Dhulka Ruushka

Ruushka ayaa gacan ku siiyay inay Iran , hal mar hawada sare u dirto labo dayax-gacmeed oo laga diray gudaha dhulka Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labada dayax-gacmeed ayaa kala ah ; Kowsar oo ah dayax-gacmeed awood u leh inuu sawirro ka qaado dhulka, sidoo kale wuxuu gacan ka siinaya Iran howlgalkeeda cilmi-baarista kala duwan, halka dayax-gacmeed kale ee Hodhod uu ka caawinayo inay Iran hesho nidaam isgaarsiin u gaar ah oo ay meel walba ku adeegsan karaan.

Warbixinta wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa lagu sheegay iskaashiga hawada sare ee Ruushka iyo Iran, inuu walaac ku beeray Mareykanka , sababo la xiriira horumurinta nidaamyada dayax-gacmeedka inuu sare u qaadayo awoodda labada dal ee cadowga uu u arko Mareykanka.

 

Related posts

Deg Deg:-“Muuse bixii wax uu dhulkeena uu bixiinya nacayb uu gadabuursi uu qabo”+Hoyo reer awadal ah

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo NATO Uga Digay Dagaal Ay La Gasho Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Tobannaan mehrado ganacsi oo ku bas beelay dab xalay ka kacay suuq ku yaala duleedka Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff