Borama News Network

Ugu Yaraan 29 Ruux Oo Ku Dhimatay Weeraradii Shalay Ee Israa’iil

Sida ay sheegayso wakaaladda wararka ee Reuters ugu yaraan 29 ruux ayaa waxay ku dhinteen duqaymaha duqaymaha Israa’iil ay shalay ka gaysatay bartamaha iyo wuqooyiga Gaza, sida ay sheegayaan hawl wadeenada caafimaadka.

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa waxay hawlgal kale ka bilaabeen aagga Jabai;la todobaad ka hor, iyaga oo sheegay in Xamaas ay halkaas ka bilowday in ay dib isugu hagaajiso kaabayaasheeda.

Tiro lagu qiyaasay ilaa 150 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay halkaas, sida ay sheegeen saraakiil cafimaad oo ku sugan gudaha Gaza.

Dadka barakacayaasha ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay aaggaas hareereeyeen iyaga oo ku amaray in ay wadiiqooyin kooban uga baxaan.

Related posts

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha caalamka ayaa cambaareeyay weerarka dalxiisayaasha lagu laayay ee Hindiya ka dhacay

Abdiaziz Bnnstaff

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Soomaaliya u ballanqaaday in uu garab taagan yahay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Martigelinaysa Shirka Nabadgalyada Afrika Oo Arrimo Badan Horyaallaan

Abdiaziz Bnnstaff