Borama News Network

Israa’iil Oo Markale Duqaymo Ka Geysatay Caasimadda Lubnaan Ee Beirut

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan, waana markii ugu horreysay muddo toddobaad ah.

Waxa ay sheegtay in ay bartilmaameedsatay bakhaar dhulka hoostiisa ah oo ay isticmaali jirtay Xisbullah.

Milatariga Israa’iil ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo saaray amar ay dadka ku nool hal dhismo isaga baxayaan.

Israa’iil ayaa si isdaba joog ah u duqeysay koonfurta Beyruut toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo sida caadada u ahbartimaameed ka dhiganeysa kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay magaalada.

Kooxda ayaa sii waday in ay gantaalada ka soo ridaan xadka.

Israa’iil waxay sheegtay in konton qof loo duuliyay dhanka waqooyiga magaalada Safed habeennimadii, lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Iiraan Ay Daldashay Ugu Yaraan 901 Qof Sanadkii 2024

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Wada Hadal Dowlada Itoobiya Kala Gasho Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya Dhex Maray

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Sheegtay In Ay Culays Kala Kulan Shidaalka Ay Kala Soo Degto Dalka Jabuuti Ayna Raadinayso Meel Kale Oo Ay Kala Soo Degto Shidaalka

Abdiaziz Bnnstaff