Borama News Network

Dowlada Masar oo heshiis la gashay inta badan Dalalka Xuduudaha la wadaaga Itoobiya & welwelka Addis Ababa oo sii kordhay

Dowladda Masar ayaa bilihii u dambeeyay heshiisyo dhinacyo kala duwan ah la gashay Dalalka ku hareereysan Itoobiya oo dhammaan ay horay mid weliba xadgudub ugu sameysay Xukuumadda Addis Ababa.

Heshiisyada oo kala duwan ayaa dhabbaha u xaaraya sidii Masaarida ay ugu fududaan lahayd in ay galaangal ku dhex yeellato dalalka kulaala Itoobiya oo sanadihii u dambeeyay dagaallo dhexdheeda uu majaha u geliyay Abiy Ahmed.

Xukuumadda Qaahira ayaa heshiis la gaartay dhiggeeda Jabuuti, Soomaaliya, Eretareeya & Suudaan oo dhammaan xuduud la wadaaga Itoobiya isla markaana ay dhexda ugu jirto, taasi waxa ay qaylo dhaanka ka dhammeysay Addis Ababa.

Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya isticmaalka Biyaha Webiga Nile, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa qaadday tallaabooyin digniin halis ah laga muujiyay oo suuragelin kara in uu dagaal dhexmaro labadaan Dowlad ee isku haya isticmaalkiisa.

Heshiiskii ugu dambeeyay waxa ay Masar la gashay Jamhuuriyadda Jabuuti, Qaahira iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in la dhiso xarunta quwadda laga dhaliyo cadceedda oo cabbirkeedu yahay 276.5 kilowat lagana dhisayo Jabuuti.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa aqoon u leh ka faa’iideysiga tamarka dib loo cusbooneysiin karo si meesha looga saaro baahida loo qabo isla markaana xal waara loogu helo dhibaatooyinka haatan ka jira.

Related posts

Iran oo la wareegtay markab shidaal oo lagu magacaabo St Nikolas.

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo War Ka Soo Saaray Wadahadalada Isreal Iyo Xamaas Ee Ay Wado Dowlada Qatar

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo Hakiyay Xeerkii Doorashada Ee Madaxwaynuhu Dib Ugu Soo Celiyay

Abdiaziz Bnnstaff