Borama News Network

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah

Israa’iil ayaa qaaday ugu yaraan 8 weerar oo xagga cirka ah oo ka dhan ah caasimadda Lubnaan ee Beirut, waxayna sii wadeen duqeymaha ay ku beegsanayaan goobaha kale ee dalka, gaar ahaan koonfurta iyo dooxada Bekaa.

Ka dib saddex maalmood oo xasilloon oo caasimadda gaar ahaan xaafadaha koonfureed waxaa mar kale laga maqlayay dhawaqa duqaymaha cirka ee Israa’iil.

Qiiq ballaaran ayaa ka baxayay xaafado dhawr ah, oo ka tirsan caasimadda Beyrut.

Labo ka mid ah weerarrada ayaa lala beegsaday meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Beirut, kaasoo ay weli isticmaalayaan duullimaadyada rayidka ee qorsheeysan.

Xaaladaha qaarkood milatariga Israa’iil waxay siiyeen digniino dadka deegaanka si ay halkaas uga baxaan.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa weli la qiimeynayaa balse ugu yaraan hal dhismo oo dhowr dabaq ah ayaa gabi ahaanba burburay.

Waxayna ciidamada Israa’iil sii wadeen beegsiga goobaha kale ee Lubnaan ee ay ku tuhuunsan yihiin in ay ku sugan yihiin xoogagga Xisbulah.

Ururka Xisbullah ayaa dhankooda sheegay in ay gantaallo ku garaaceen magaalada Haifa ee dalka Israa’iil iyo deegaanno dhanka waqooyi ka xiga.

In ka badan 50 gantaal ayaa laga soo tuuray Lubnaan kuwaasi oo lagu riday Haifa iyo magaalooyinka kale ee waqooyiga Israa’iil tan iyo saaka.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in qaar ka mid ah gantaalada ay qabteen ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii.

Dhanka kale, Xafiiska Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn lagu soo riday guriga Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Kaysariya ee waqooyiga Israa’iil.

Rai’sul wasaaraha aya la sheegay in uu guriga ka maqnaa markii uu weerarkaasi dhacayay.

Hezbollah wali ma aysan xaqiijin in ay iyagu mas’uul ka yihiin, balse waxa ay u muuqataa in aysan dhici karin in ay jirto cid kale oo weerarkaas ka dambeysay.

Hezbollah ayaa wacad ku martay in ay jawaab ka bixin doonto dilka ay Israa’iil ku dishay hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar islamarkana uu dagaalka galay waji cusub.

Dhanka kale hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in Xamaas ay nooshahay ayna sii noolaan doonto waana hadalkiisii ​​ugu horeeyay tan iyo markii uu dhintay hogaamiyihii kooxda Yahya Sinwar.

Waqooyiga Qaza, ugu yaraan 33 qof ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay xerada qaxootiga ee Jabalia, sida uu sheegay maamulka Xamaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay go’doominayay xeradan oo ay dad badan ku jiraan, iyagoo sheegay inay isku dayayaan inay ka hortagaan dagaalyahannada Xamaas inay dib isu abaabulaan.

Wararkii ugu dambeeyay, wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in 19 qof lagu dilay 91 kalena lagu dhaawacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay Israa’iil sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Xamaas “ilaa guul laga gaaro”.

“Waxaan meesha ka saarnay gacan ku dhiigle Yahya Sinwar,” ayuu ku yiri muuqaal la soo dhigay baraha bulshada. Sinwar, oo ahaa madaxii naqshadeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday Israa’iil, waxaa dilay ciidammada Israa’iil Arbacadii.

Ugu yaraan 42,519 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 99,637 kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaanka millatari ee Gaza ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay hoggaaminaysay, wasaaradda caafimaadka ayaa intaas ku dartay.

Related posts

“Waxaynu Nahay Dad Habeen Iyo Maalinba Hurda, Taasi Waxay Ina Dhaxalsiisay In….” DR Bayle Oo Somalida Si Adag Ula Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

“Nabadda Muqdisho Ayey Ciidankaygu u Dhimanayaan, May Ahayn In Muran La Geliyo Hishiiska Badda…” Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff

Shirkadaha Diyaarada Dunida Oo Lagu Eedeeyay In Ay Aysan Ka Taxadirin Badqabka Diyaarahada Rakaabka

Abdiaziz Bnnstaff