Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen 13 gantaal oo lagu qariyay baqaar si gaar ah loo leeyahay oo ku yaala magaalada Mekelle ee xarunta gobalka Tigray.
Gantaalada ayey tilmaameen ciidanka Itoobiya in yihiin noocii ay TPLF u adeegsatay weeraradii ay ku qaaday magaalooyinka Bahr Dar ee ismaamulka Amxaarada iyo magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea.
Waxay sheegeen ciidanka dowladda federaalka Itoobiya in 7 gantaal laga isticmaalay oo ay heleen sanduuqii laga bixiyay, kuwaasi oo Ciidamadii Ismamulka Tigree-ga u adeegsan jireen dagaal Ciidanka Itoobiya ay la galeen.
Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigree-ga ayaa waxaa dhexmaray horaantii bishaan dagaal xoogan oo socday muddo ku dhow afar todobaad, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro lixaad leh oo soo kala gaaray labada dhinac, wallow markii TPLF laga guuleystay.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com