Baadari Inkiray Jiritaanka Coronavirus Oo Xabsiga La Dhigay

Booliska dalka Ruushka ayaa xiray baadari gacanta ku hayey hoy dumarka u gaar ah oo ay kaniisad leedahay oo la sheegay inuu ku dhaqaaqay fal ka horimanayo faafitaanka faayraska Covid-19 iyo talooyinka caafimaadka ee ku aaddan oo ay bixiyaan khubarada caafimaadka.

Baadarigana waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dadka badan inuu ku dhiirrgelinayey iney isdilaan.

Booliska waxay sheegeen baadariga iney ku soo qabteen baaritaan si kedis ay ugu sameeyeen hoyga dumarka uu isagu mas’uulka ka ahaa.

Baadarigan hore oo doorki baadarinimo laga qaaday ayaa bishii June la wareegay gacan ku haynta kaniisadda Sredneuralsk, kaddib markii kaniisadda Orthodox ay baadariga xilka ka xayuubisay loona diiday inuu kaniisadaha uu ka wacdiyo, dhaqdhaqaaq diineedna uu sameeyo.
Wuxuuna baadarigu si cad uu u diiday inuu jiro fayraska korona xilli dalka Ruushka uu si ballaadhan uu uga socdo tallaalka looga hortagayo Covid-19 uu Ruushku sameeyey.

Baadarigan aragtidiisa kaniisadda iyo dowladdaba muranka ka dhex dhalisay waxaa xilka baadarinimo lagala noqday bishii May.

Kaddibna waxaa laga maanacay xirashada macatabka baadarinimada maadaamaa uu dadka caadiga ah ee caafimaadka qabo uu ku dhiirrageliyey iney diidaan awaamiirta caafimaad ee la xidhiidha Covid-19 maadaamaa uu aaminsan yahay inuu cudurkaasi uu jirin.

Baadari Sergiy kaniisadda Sredneuralsk wuxuu aasaasay billowgi sanadkii 2000, wuxuuna baadarigu yeeshay boqollaal qof oo taageerayaal ah oo wacdiga uu kaniisaddiisa ka jeediyo dhageysta.

Hay’adaha ammaanka Ruushka kaniisadda Sergiy si aan loogu cibaadeysan waxay xireen intii u dhaxeysay bilihi April-June ee sanadkaasi, iyaga oo ku eedeeyey maadaamaa uu baadarigu uu wadashaqeyn la yeelan waayey hay’adaha dowliga.
Baadari Sergiy ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib marki isku dhac saacado sacday ay dhex martay booliska iyo taageerayaasha baadariga.
Ragga hubeysan ee kaniisadda ilaalada ka ah ayey hay’adaha dolwiga Ruushka la xiriiriyeen iney ka mid yihiin kooxda fallaagada uu Ruushka taageero ee ka qayb qaato dagaalka Ukraine ka socda.

Isku dhaca booliska iyo shaabka kaniisadda ku sugnaa dhex maray wuxuu dhaawacyo fudud uu ka soo gaaray dhowr qof oo ka mid yihiin haweenka kaniisadda ka howlgalayey.

Howlgalka marka uu soo gagaboobayna taageerayaashiisa ayaa baahiyey muuqaal muujinaya baadariga inuu caafimaad qaba. “Isaga oo sheegay askarti xadgudubka u geysatay iney waxba ogeyn balse uu cafiyey”.

Related posts

Dawladda Kenya Oo Martigelinaysa Kal-fadhiga 5aad Ee Golaha Deegaanka Qaramada Midoobay.

Bnnstaff Bnnstaff

Mas Halis Badan Oo Loo Malaynayay In Uu Darbar Go’ay Oo Soo Rogaal Celiyay Dad Badana Laayay

Bnnstaff Bnnstaff

Canada: Weerar Mindi Loo Adeegsaday Oo Ay Dad Ku Dhinteen Iyo Tirada Dadka Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More