Raysal Ku Xigeen Mahdi Guleed Oo Kulan La Qaatay Madaxwayne Axmed Madoobe

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa yeeshay Kulan gaar ah oo ay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah.

Kulankaayaa ka dhacay hoyga uu Garoowe ka daggan yahay Mahdi Guuleed, waxaana kusoo booqday Axmed Madoobe.
“Waxaa caawa hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday M/weyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe)” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar kadib war uu kasoo saaray kulanka dhex-maray isaga iyo Axmed Madoobe.

Mahdi Guuleed iyo Axmed madoobe ayaa ka qayb galaya Shirka ka socda magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland, waxaana shirkaasi ka qayb galaya Mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ardaydii Loo Haystay Shaqaaqadii Ka Dhacday Dugsiga Nuuradiin oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Mandera Oo Dalbaday In Ciidamada Cabdirashiid Janan Laga Saaro Deegaankooda

Bnnstaff Bnnstaff

Xoghayaha Ururka Islaamka Oo Si Adag Uga Hadlay Xad-Gudubyada Ay Yahuuddu Ka Waddo Dhulka Falastiin

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More